X

Diyaarad Talyaanigu leeyahay oo gaartey goob tahriibayaal ku hoobteen

Waxay ahayd maanta markii doon kale oo nooca caaga ah oo ay sarnaayeen in ka badan 160 oo nolol raadisa ay ku qaracmeen meel aan ka fogeyn xeebaha Liibiya laakiin in aada ugu dhow biyaha caalamiga ah.


Hay’ad iyadu ka shaqaysa badbaadinta dadkan nolol raadiska ee ka soo fakadey adoonsigii iyo kufsigii Liibiya ayaa iyaguna shalay sheegay in doonkale ay ku dhinteen dad gaaraya 170 ahriibe. Hay’adu waxay sheegay in labadaas doonyood rogmadeen ayna labaduba buuxeen markii ay arkeen.


Hay’adan ayaad sheegtay in xilligaas ayna waxba u qaban karin oo si dega dega oo isku xiga ay u quuseen. Eaxay qirteen in markabkooda loo diidey in nolol raadiska ka soo daadgureeyaan badda.

Dadkan nolol raadiska ah una socda Yurub ayaa waxa hadda la sheegay in markii ay degaysay doontan dambe ay xilligaas iyadna ka ag dhaweyd goobtaas diyaarad Talyaanigu leeyahay.


Diyaarada ayaa soo badbaadisay sadex qof. Sadexda qof oo u waramay saxaafada ayaa sheegay in labada doonyood ay saarnaayeen ku dhawaad 270 qof.


Sadexdan la soo badbaadiyay ayaa ka kala yimi Suudaan iyo dalkaasi yar ee Gambiya.

Maaha markii ugu horeysay ee nolol raadisku ku dhmaadaan biyaha Carabta iyo Yurub. Ilaa hadda lama sheegin in dadkan qaracmey ku jiraan Somali inkastoo Carabtu dadka isku luqada ah ay saaraan hal dooni.

Rashiid Ceelaanyo

ARABINEWS


admin:

This website uses cookies.