Kismaayo-Araabinews–Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaan helikobtarka ayaa caydhsaday argagixisada shabaab duleedka magaalada Kismaayo inkastoo aan loo sheegin cida iska diyaaradahan.
Wararka laga helayo tuulada Yoontaay oo 15km u jirta magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in fadhiisin ay lahaayeen kooxda Al-Shabaab ay weerareen diyaarado ah nooca qumaatiga u kaca oo aan la ogeyn cidda iska leh. Maleeshiyaadka ayaa iska caabbin sameeyay ayadoo ku dhawaad hal saac uu dagaalku socday sida ay sheegtay BBC.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas oo ahaa mid bartilmaameed lahaa. Dadka degaanka ayaa sheegay in diyaaradihii ay ku laabteen dhinaca magaalada Kismaayo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay