Tirada shirkadaha caalamka ee rajo ka qaba inay dib ugu laabtaan hawada Somaliya muddo 28 sano ah ayaa sii korodhey waxa sidaas sheegay madaxa agaasimaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho Siciid Celiye.
” Amniga dalka oo soo hagaagaya waa tan koowaad maadaama ciidanka Amisom xarun ku leeyihiin meel aan ka fogeyn garoonka iyo weliba tayada ciidanka Somalida oo sii kordheysa ayuu yiri Siciid.
Waxa hadda saf noogu jira shirkadaha diyaaradaha Masar, Imaaraadka, Qadar, Kiiniya oo bilaabeysa dhamaan, Sucuudiga iyo Yugaandha, anagana waxa nala gudboon in aan sii hagaajiyo tayada madaarka iyo amnigiisa ayuu raaciyay Siciid Celiye.
Muqdisho ayaa inta badan nabad ah inkastoo dadka magaalada oo aan la shaqayn ciidanka amniga ay keento qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay fuliyaan kooxda gaaleynta Muslimiinta ee Daacish iyo Shabaab.
Waxa dhinaca kale loo aaneyn karaa xiriirka is aamin ee sii kordhiya ee u dhexeeya dawlada Somaliya iyo beesha isku sheegta caalamka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS