Thursday, May 9th, 2024
header










Meta







Doorashada goleyaasha maamulka Somalilaan maxay soo kordhin kartaa

Kadib muddo dheer oo sadexda xisbi ee halka beel ay ku murmayeen qaabka iyo cidda maamulaysa doorashooyinka goleyaasha ee wada socda ayaa ugu dambeyn dhacaysa Isniinta soo socota.

Waxana ay casuumeen qaar ka mida saxaafada gaalada ee taageerta maamulka iyo hamigooda burburey ee goosadka. Haddaba waxaad is weydiin kartaa maxay doorashadan soo kordhinaysaa.



Waa marka horee kuwa la bedelayo ayaa fadhiyay kursiga muddo ka badan 10 sano, waa ta kale ma jirto waxay soo kordhinayso waxayna noqonaysaa shaqsi kale ku bedel kii hore.

”Ma jirto wax is bedela oo ka dhalanaya doorashadan aan ka ahayn gaalada la casuumay iyo Afrikaanka la socda oo meelaha wax ku qorqora maamulku doorashuu qabtaa iyo waa dimoqraadi ayagoo ku caynaya dalka intiisa kale ayuu yiri Xuseen Warsame.



”Nidaamka qabaliga ah ayaan soo saarayn dad karti leh oo gobolkan u baahan yahay maadaama uu karti xumadaa ku yimi fadhiid Muuse Biixi iyo kuwii ka horeeyay oo gobolkan ka dhigey meel laga haajiro ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

”Waxaad is waydiin kartaa dad nabad ku noolaa 30 sano oo haddana intii Siyaad Barre dhisay mooyee iyo waxooga dadku dhisteen maahina ayna jirin wax lagu soo kordhiyay aan qabyaalad ahayn ayuu yiri Cali Calasow.



La yaab maleh in hadda boqolkiiba 85 qabiilka ISAAQ ay ka quusteen maamulkan iyo hamigii beenta loogu sheegay ee ahaa waan go’ay. ”Sheekada go’itaanka ayaa hadda waxa adeegsada dawladaha waaweyn ee danta gaarka ah kaleh dawlada dhexe ee Somaliya si ay ugu awrkacsadaan dawladaha kale sida Shiinaha iyo Ruushka.

Tusaale Kiiniya waxay u yeertay horjooge Muuse Biixi si ay ugu xumayso madaxweyne Farmaajo laakiin markii dawladu xiriirka u jartey Kiiniya way aamustey Muuse Biixina wuxuu noqday muus la cunay oo la tuuray ayuu yiri Xuseen Warsame.



Sidaas si leegna waxa sameeyay Maraykanka iyo Ingiriiska oo marna Taywaan keena marna Afrikaano u dira Hargeysa, kuwaas oo la tuso diyaarad Hargeysa ku taal.

Hadday doorashadan ku soo baxaan dadka uu ku jiro Barkhad Batuun oo qabiilkiisa ay deganansho iyo barwaaqo Yurub uga heleen kuwa ku yasa Hargeysa ayaan la oran karaa waxooga waa la ilbaxay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...