Thursday, May 9th, 2024
header










Meta







Doorashadii Somaliya oo la rabo in gacanta loo geliyo kooxda sheegata beesha caalamka

Waxa dhawaan looga adkaaday madaxweynaha Somaliya nidaamka doorasho ee uu rabay, waana lagu soo celiyay nidaamka fashilka ah ee doorashada dadban ee lagu kala laaluushka farabadan. Waxana dalka gacanta loo geliyay maamul juufeedyada inkastoo barlamaanku ansixiyay markii dambe.



Ugu dambeyn heshiiskii doorasho ee uu ansixiyay barlamaanka ayaa wadatashi ay galeen musharixiin hore u fashilmey dalkana inay gadaan ku dhawaaday iyo kooxda sheegata beesha caalamka ay isla qaateen in doorashada uu ku soo bixi karo Farmaajo.

”Waxay bilaabeen inay diidaan gudiyada doorashada ayagoo u malaynaya in iyagu wax dooranayaan ayuu yiri Cali Calasow. Waxana wata kooxda beesha caalamka haddana waxa gudigii uu doortey ka noqdey horjoogaha Kiiniya wadato ee Axmed Madoobe.



Horjooge Siciid Deni oo la filaayay inuu isna ka noqdo heshiiskii uu gacantiisa ku saxiixay ayaa kooxda beesha caalamku u sheegtay inuu Axmed Madoobe ku daydo, ilaa haddana waa is nadiifin rabaa ayuu raaciyay Cali Calasow.



Dawlada ayaa sheegtay in haddii doorashadu dib u dhacdo ay ka masuul yihiin kooxdan fashilmey ee sheeganaysa musharixiin iyo wixii qas dhacaba, waxase wada kooxda sheegata beesha caalamka. UJeedada ayaa ah sidii booska looga tuuri lahaa Farmaajo oo gacanta loogu dhigi ama loo iibsan lahaa xildhibaanada soo baxaya.

”Waxa la rabaa in la soo saaro hal musharax oo ku daba faylsan kooxda beesha caalamka sheegata si Somaliya hog weyn ugu sii dhacdo ayna ka qaa=saarto sanado kale ayuu yiri Cali Calasow. Ilaa haddana iskuma raacsana hal musharax.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...