X

Doorkii habraaca doorashada gobolada Woqooyi oo Rooble laga tuuray

Raiisal wasaaraha awoodiisa la dhimey ee gunti giijiye Maxamed Xuseen Rooble ayaa laga tuuray habraaca doorashada ee uu awal ku qornaa. Talaabadan ayaa timi maerki la dhimay awoodiisa. Dhinaca kale maamul goboleedyada ayaa iyaguna iskood u wata doorashada.


Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi iyo raiisal wasaare ku xigeenka Mahdi ayaa go’aansaday inay iyagu toos ugu gudbiyaan guddiga doorashada ee magacaaban saxixi u dambeeyay.


Gunti giijiye Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadda cidla taagan oo ku calaacala waxa la siiyay talooyin qaldan. ”Waxaan dhex galay talooyin qaldan aniga iyo madaxweynahana wax naga dhexeeya ma jiraan.


Habraacyadii hore ayaa farayay in musharixiinta loo gudbiyo raiisal wasaaraha inta aan loo gudbin guddiga doorashada.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.