X

Rooble oo Qoor-Qoor ku yiri i badbaadi ceelaan ku jiraa

Wasiirka koowaad ee awoodiisa la dhimay Maxamed Xuseen Rooble oo ku magac dheer Gunti Giijiye ayaa ku duldhacay horjoogaha Galmudug Qoor-Qoor kuna yiri i badbaadi ceelaan ku jiraa.


Kulanka maanta oo uu codsaday wasiirka Koowaad Gunti Giijiye ayaa yimi kadib markii maamul goboleedyadu ay u balansan yihiin Garoowe halkaas oo ay shirayaan isaga la’aantii. Kulanka ayaa looga hadlaayay isla Gunti Giijiye.

Kulankii Gunti Giijiye iyo labada maamul goboleed ee Koofur galbeed iyo Galmudug ay waan waanta ka wadeen isaga iyo madaxweynaha ayaa Gunti Giijiye ku furtuuray.


”Meel cidla ah ayuu taagan yahay waxa ceelka ku sii riday markii gobolada Woqooyi ay soo saareen waraaq sheegaysa in musharixiinta si tyoosa ugu gudbiyaan guddiga doorashada ayuu yiri Cali Calasow.


Hadda keliya wuxuu leeyahay Qoor-Qoorow inaga isku Hawiye ah weliba isku beela ee joogga iga saar aniga iyi madaxweynahana na heshiisii, taas oo Qoor Qoor aqbalay.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.