X

DP World oo keentay wiishash duuga dekeda Berbera xilli xamaalkiina Hindi ka shaqayso: SAWIRO

Shirkada maamusha dekedda Berbera ee Dp World ee dhiigmiiratada ah ayaa dekedda keentay wiishash duuga oo laga keenay dekedaheeda Imaaraadka. Waxa halkaas tagey madaxa maamulka Muuse Biixi.


Maamule ku xigeenka shirkada Dp World ninka lagu magacaabo Suhayl Al-bana ayaa sheegay in mudadii labada sano ahayd in laga soo gudbey qodxo badan hadana aan ku socon in Berbera noqoto Meesha u adeegta ilaa Afrikada dhexe.


Suhayl ayaa afka ku dhuftey dawlada Somaliya isagoo yiri maamulka shirkada iyo dawlada Somaliya. Hoos ka fiirso muuqaal la xiriira hadalkaas.

”Wuxuu kaloo shegay in wejiyo badan dekedu marayso wiishashkuna qayb ka yihiin ayna soo diyaariyeen qaabka ay noqon doonto dekedu si ay gudaha iyo dibdaba ugu adeegto. Wuxuuna yoolka ka dhigtey sanada soo socota inay dekedu noqoto dekeda XORA.

Sawirka hoose wa qaabka ay rabaan inay Berbera noqoto

 

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.