X

Shaqsiyaad dano gaara uga faaiideystey banaanbax Muqdisho ka dhacay oo la xirey

Shirka amniga oo ay ka qayb galeen guddiga loo xil saaray sugidda amniga caasimadda ayaa looga hadlay mudaaharaadkii ka dhacay Muqdisho halkaas oo dad diidan dawladnimada ay hanti ku burburiyeen magaca gaari Hindiga ee Bajaajleyda.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar oo ka warbixiyay natiijada guddiga amniga oo uu horkacaayay raiisal wasaare ku xigeenka dalka ayaa laga soo saaray warmurtiyeed.


Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray in la xirey dadkii banaanbaxa uga faaiideystay inay guban hanti dadweyne. Dadkaas ayaa ku kacay fal-diinta ka fog.

Guddiga amniga ayaa ka digay in la sameeyo mudaaharaadyo rabshado wata ayna mamnuuc tahay in magaca bajaajlayda ay isticmaalaan shaqsiyaad doonaya in amniga ay carqaladeeyaan, oo qalalaase geliyaan caasimadda dalka.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.