X

Dr C/raxmaan Bayle oo khashifay warqad uu soo saaray gunti giijiye Rooble

Wasiirka maaliyada dawlada dhexe ayaa khashifay warqad uu soo qorey Gunti giijiye Rooble oo faraysay wasaarada inayna bixin wax lacaga ilaa isaga la soo mariyo. ”Ma jirto lacago la iskala baxo oo hadda jira meeshu maaha sidii Xasan Sheekh ayuu yiri masuul u hadlay wasaarada maaliyada oo qariyay magaciisa.


”Wasaarada maaliyada waxa loo dejiyay nidaam dhigaya inaan lacag si fudud looga saari karin waayo waa la ogyahay shaqaaalha dawlada u shaqeeya iyo ciidamada ayuu yiri Cali Calasow.


Warqadan oo la soo qorey sagaalkii bishan ayaa keliya dibedda u soo baxday habeenimadii xalay, waxayna ku wareegaysay baraha bulshada ilaa xalay oo dhan. ”Ilaa hadda lama garaanyo cida uu gunti giijiye is tusayo waayo ma jirto lacago la iska daldasho.

C/llahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.