X

Waa maxay ujeedada kooxda Xalane xilligan ay ka leedahay gunti giijiye Rooble

Sidii gunti giijiye Rooble uu u tagay London shir ay ku tilmaantey safiirka Ingiriiska u fadhiya teendhada Xalane ayaa isku soo dhawaansho dheeraada uu imi isaga iyo kooxdaas qasaysa dalka.


”Kooxdan inteeda badan ee sida tooska ah ugu jirtey laamaha dawlada waa la eryay, ayadoo la ogaa inay kumanaan lacaga ku kharash-garayn jireen sidii ay u heli lahaayeen sirta dalka ayuu yiri Xuseen Warsame.

”Sidii madaxweyne Farmaajo u yimi xukunka waxa go’ay sirihii badnaa iyo weliba u sujuudii kooxdaas ayuu raaciyay Xuseen Warsame waana tay u soo jiiteen gunti giijiye Rooble oo la aaminsan yahay in jeebka loo buuxiyay.


”Hadda waa faraxsan yihiin waxayna ciyaarayaan kaadhka qabiilka ayuu yiri Cali Calasow waayo waxay ogyihiin inaanu jirin si kale oo loo diciifin karo qaranka, xilligana waxay haystaan inyar oo ku qaraabta magaca Hawiye.


Haddaba jueedo intee ayay ka leeyihiin kharashaynta Gunti Giijiye oo aan sharaxnayn. Waxay isku dayayaan sidii sumcada looga dili lahaa madaxweyanaha waxase uu la qaaday sumcadiisa oo sii korodhey.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.