X

Dr C/raxmaan Bayle oo war ka sheegay miisaaniyada

Wasiirka maaliyada ee dawlada Somaliya ayaa war ka soo saaray miisaaniyada kulan uu maanta la yeeshay wasiirada cusub ee la magacaabay dhawaanta. Wasiirka oo aan sheegin miisaaniyada ayaa u muuqda in uu keliya la wadaagayay xogta.


ā€¯Waxaan hadda la wadaagay golaha wasiirada cusub miisaaniyada dalka sanadka soo socda oo hadda diyaarinteeda aan gacanta ku hayno ayuu yiri wasiir Dr C/raxmaan.

Somaliya oo aan lahayn dakhli buuran maadaama dalka badankiisa ayna ku jirin gacanta dawlada oo maamul jufeedyo gacanta loo geliyay ayaa ku nool waxa ka soo gala dekedda iyo madaarka oo ay u maamulaan Turki.


Waxa xataa jirtaa in la kabo miisaaniyada dalka inteeda baddana lagu noolyahay duugsi, taas oo nasiib daro ah.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.