X

Horjooge Siciid Deni oo markale u socda Imaaraadka xilli Muuse Biixi la kulmey Taywaaniis

Waxa kuu muuqata sida horjoogeyaasha kaaba qabiiladu kolba raadco ugu jiraan sidii ay shilimaad iyo inay meeleeyaan jufadooda hoose ay ugu tafo xayteen, ayadoo dadka ku nool deegaanadaas ay la daalaa dhacayaan gaajo iyo maamul xumo ayuu yiri Cali Calasow.


”Horjooge Siciid Deni dhawaan ayuu tagay Imaaraadka haddana waa u socdaa, waxana ugu weyn sidii doorashada soo socda ay u bixin lahaayeen kharash fiican oo laaluusha iyo weliba lacaga kale oo xaqal jeeba oo ayna bixin doorkii hore ayuu raaciyay Cali Calasow.

Waxa iyana Hargeysa jooga oo la kulmey horjooge Muuse Biixi Taywaaniis Maraykanku wato oo uu rabo inuu danahiisa uga fushado geeska Afrika. Horjooge Muuse Biixi ayaa waxbarasho bilaa lacaga u dalbadey qaraabadiisa, waase ka diideen waxana la amrey inuu maro nidaaka u degsan waxbarashada.


”Nasiib daro waxa u ah dhalinyarada mustaqbalkoodii noqdey waxa kor inooga muuqda, ayadoo ayna jirin awood sare oo soo celisa nidaam dawli ah oo dadka u dhexeeya. Horjooge Siciid Deni ayaa sheegtay in Cabi Axmed casuumay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.