X

Dulmi weyn: Gabadh Oromo ah oo Hargeysa 3 bilood u xidhan ninkii

Dhacdo dulmi ah ayaa ka dhacday magaalada Hargeysa halkaas oo ay muddo 3 bilooda ku xidhan tahay gabadh Oromo ah oo guri u shaqaynaysay ninkii lahaa ku kufsaday sida uu goobjooge jeelka joogay ka waramay.


Dulmigan naxdinleh ayaa goobjooguhu sheegay in gabadhaas loo gaystey weliba loogu daray jidh-dil markii dambena loo gudbiyay jeelka. Waxa goobjooguhu sidoo kale sheegay inay gabadhu umul ahayd oo wiilkii ay dhashayna laga qaaday.



”Waxa Somali rogaya waa dulmi waxaad is odhanaysaa halka lagu ciqaabi doono ALLOW hana geyn ayuu yiri Xuseen Warsame. Maamulka meesha ka jira ayaan ilaa hadda dhacdadaan wax ka odhan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.