X

Dulqaadkii waa naga dhamaaday ma ogolaan doono xadgudug lagu sameeyo qaranimada: Wasiir Axmed Ciise

Wasiirka arimaha dibedda Somaliya Axmed Ciise Cawad oo maanta shir jaraaid qabtey ayaa faahfaahiyay sababta ay xiriirka ugu jareen dalka fiqiirka ah ee Somalidu aqoon ee weliba ku yaala galbeedka Afrika ee Gini.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliya dulqaadkii ka dhamaaday hadda wixii ka dambeeya.


Wasiirka ayaa xusay in go’aanka xiriirka loogu jaray uu yahay mid laga baaran degay, islamarkaana Waqti badan laga fakiray.
Waxaa uu sidoo kale qiray iney jiraan dalal dhowr ah oo maleegayo tallaabooyin ka dhan ah Madax banaanida dalkan, balse ay digniino dhowr ah u direen, wixii haatan ka dambeeyana aan wax dulqaad ah loo yeelan doonin.


Sheekada Somaliland oo ictiraafku iska soo xirmey muddo hore ayuu sheegay inay yihiin gobol ka mida dalka laakiin ay ku faraxsan yihiin dhinaca amniga ee ka jira.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.