November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Duqa Muqdisho oo qaba in 500 oo qof ku dhinteen Muqdisho

Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish oo hore u sheegay in dad badan oo yaqaan ay Muqdisho ugu dhinteen cudurka Kooro ayaa hadda leh waxa Muqdisho Ku dhintey dad gaaraya 500 oo badankooda loo diiwaangeliyay cudurka Kooro.



Tiraddii ugu badneyd ee ay diwaangaliyaan hal maalin ayuu ku sheegay 43 qof , halka Midkii ugu yareydna ay aheyd 22 oo qof oo la aaminsan yahay inay u dhinteen cudurka Kooro.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Xukumada Somaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa horay u sheegay in xilligaan qof kasta ee dhinta ay Dowladda Soomaaliya u aqoonsan tahay in uu u dhintay Cudurka Coronavirus.



Waxaa uu sheegay in maalin walba ay dhintaan dad farabadan oo la sheegay in Cuduro ay kamid tahay kaneeco u dhinteen, balseĀ  aan wax ka jirin hayeeshee dadkaasi dhamaantood ay u dhinteen cudurka Kooro.



Si kastaba ha ahaatee maadaama ayna jirin tijaabo laga qaaday dadkaasi Laguna sheegi karo cudurka Kooro ayuu qabaa Cali Calasow. Waxaanse shiki Ku jirin in cudurka Kooro Ku sii fidiyo Muqdisho.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS