Duqa magaalada Muqdisho ahna gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa xilka qaadis iyo xarig isugu daray gudoomiyaha degmada Shibis C/raxmaan Sayid. Talaabada gudoomiyaha oo ah mid aan hore u dhicin ayaa salka ku haysa musuqmaasuq.
Wararka aan helayno ayaa sheegaya in gudoomiyaha xilka laga qaaday kadibna jeelka loo taxaabay ay ku socotey baadhid dhinaca dambi baadhista ah oo duqa magaaladu uu fuliyay keliya xilka qaadista.
Gudoomiyaha xilka laga qaaday ayaa la sheegay inuu soo rogey cashuuro ayna ogeyn gobolku oo Ka baxaan awoodiisa iyo arimo kale oo la xiriira wax is daba marin.
Ficilka gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa Ku abuuray walaac xoogleh gudoomiyeyaasha kale ee magaalada ee aan loo baahneyn laakiin fadhiga ku qaata xoolaha masaakiinta.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay