Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Gudoomiyaha degmada Boorama oo faahfaahiyay weerar lagu qaaday

Gudoomiyaha degmada Boorama Saleebaan Xasan Xaddi (caseeye) ayaa faahfaahiyay weerar xalay saqdhexe lagu soo qaaday gurigiisa. Saleebaan ayaa sheegay in aanu joogin guriga la weerartay ee uu joogey guri kale. “Xalay abaaro 2-dii habeenimo kahor ayay ahayd markii weerarka lagu soo qaaday guriga ayuu yiri Saleebaan (caseeye).



Marka hore dhagxaan ayaa lagu soo tuurey guriga markii cidi soo bixi weydayna waxa lagu soo ridey rasaas nool oo weliba lagu dhiftey dhinaca xaaska iyo Caruurta hurdeen ayuu raaciyay.

Waxase u babac dhigey ilaalada guriga oo Ka jawaabay weerarka ayuu yiri Saleebaan caseeye. Waxay rabeen inay marin habaabiyaan ilaalada laakiin uma suurtoobin.



Mar la weydiiyay waxa ay salka ku hayso weerarkan lagu soo qaaday ayuu tilmaamay in ilaa hadda tuhunka jira uu yahay dad laga qaaday dhul danguuda laakiin haddana jiraan arimo kale uuse ka warsugayo baadhitaanka.

Boorama ayaa ka mida magaalooyinka ugu degan dalka Somaliya, waxa gudoomiyuhu qabaa in colaad gaara ayna jirin ee ay tahay hawsha danta guud ee uu hayo.



Weerarada noocana ayaa ah sidoodaba kuwo magaalada aad looga cambaareeyay xilli dalka ayna ka jirin awood laga baqo iyo kala dambeyn, waxay aakhirkana tegi doontaa aargoosi qabiil.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...