X

Wasiir Yuhuudi ah oo qarxiyay in Natanyaahu la kulmey wahaabiyada Sacuudiga boqorkooda

Wasiirka waxbarashada ee Yuhuuda ayaa qarxiyay in gacan ku dhiigle Maxamed Salmaan si qarsoodi ah ay kuwada kulmaan jasiirada Sacuudigu ka dhisayo badda cas ee loo bixiyay Noom. Waxa qarxiska sidii caadiga ahayd beeniyay wahaabiyada Sacuudiga.


Sacuudiga oo xiriir fiican la lahaan jirey Yuhuuda muddo dheer ayaa markasta beeniya inuu la kulmey madaxda Yuhuuda. Xagjir ayaa sheegay in Carab kale hadda rabin inay isa soo bandhigaan laakiin uu hayo mid weyn oo lacagleh oo uu jeedo wahaabiyada Sacuudiga.

”Xaqiiqdu waxa weeyi mar haddii kulankani dhacay haba noqdo mid aan si rasmiya u dhicin oo qarsoodi ahaa, waxay muujinayaa muhiimada weyn ee uu u leeyahay Yuhuuda ayuu yiri wasiirka waxbarashada ee Yuhuuda.


Natanyaahu oo la weydiiyay inuu kulankani dhacay ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo taas oo muujinaysa in wahaabiyada Sacuudigu ay ku qwaraxdey waxay qarsataba laba wejiileynta.

Raadiyaha ciidanka Yuhuuda ayaa dhinaca kale sheegay in madaxa sirdoonka uu isna joogey goobta. Markii la fiiriyay khadka diyaaradaha weliba diyaarada uu raaco Natanyaahu ayaa lagu ogaadey in diyaaradiisu ka duushey Talabiib kuna degtay garoonka jasiirada Sacuudiga ayna fadhidey laba saacadood sida ay ku warantey jariirada Haarez.

Safaarada Marakanka ee Yuhuuda ayaa iyadna diidey inay ka jawaabto in wasiirkooda arimaha dibedda xagjir Bamboo uu kulanka kala qaybgalay Natanyaahu.


Wasiirka arimaha dibedda Sacuudiga ayaa si laba wejileyn ah u sheegay in marhore ay rabeen inay dibedda isku soo bixiyaan oo xiriir la samaystaan Yuhuuda laakiin ay sugeyaan inuu dhaco heshiis u dhexeeya Yuhuuda iyo Falastiin.

Waxaanse cidi ka qarsooneyn mar Muslimiintu diideen inay xiriir la yeeshaan Yuhuuda ay iyagu hoosta kala shaqaynayeen.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.