November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Duufaano xoogleh oo ku dhuftay maanta jasiirada Soqotara ee badweynta Hindiya iyo hal qof oo ku dhintey+Woqooyiga Somaliya

Duufaano aad u xoogweyn ayaa ku dhuftey jasiirada Soqotara ee ku taal badweynta Hindiya una dhow gobolada Bariga ee Somaliya halkaas oo ay ku dileen hal qof. Duufaankan oo aad u xoogweyn ayaa la filayaa in uu biyo dhigo aagaga ku dhow ugu dambeyna roobab lixaadle ay ku dhuftaan xeebaha dalka Yaman.

Woqooyiga Somaliya siiba xeebaha Berbera iyo Lughaya ayaa la filayaa in roobabka ay wataan duufaantu ay soo gaadhaan kuwaas oo la saadaaliyay in ay dhigaan biyo badan.

Xeebta magaalada Mukalla ee Yaman ayaa roobka ugu badan ku dhuftey mana jirto dawlad ka jirta Yaman oo wax ka qaban karta iyadoo dalka ay burburiyeen xulafada Sucuudiga ee dagaalka kula jirta dagaalka u goonida ah ee ka dhanka ah Xuutiga.

_86467810_86459192[1]

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM