November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Duulimaadyada garoonka Muqdisho oo la hakiyay usbuuca dambe

Xukuumada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in la hakinayo duulimaadyadii garoonka diyaaradaha ee Muqdisho usbuuca soo socda iyagoo sheegay sababta loo hakinayo.



Hakinta duulimaadyadan ayaa ka bilaabmaya 22-ka bishan aynu ku guda jiro kuna beegan maalin arbaco ah.

Wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa ku wargalisay dhammaanba shirkadaha diyaaradaha ee dulimaadyada ku yimaada magaalada Muqdisho ee ka soo dagi jiray garoonka kana duuli jiray in la hakiyay duulimaayadii.



Waxaanay sheegeeen in sababta loo joojiyay ay tahay iyada oo ay maalintaasi ku beegan tahay maalinta caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, sidoo kale waxaa ay tilmaameen inay ka soo qayb galayaan caleema saarka madaxweynaha madaxweynayaal badan oo African ahi.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS