X

Ehelada dad Maraykanku ku diley duqeyn Shabeelaha hoose oo welli sugaya magdhow

Marayanka ayaa Somaliya ka dhigtey meel ay ku tababartaan diyaaradahooda aan duuliyaha lahayn, waxayna muddooyin badan duqeyn jireen gobolada Koofurta iyo weliba maamulka Butlaan.


Inkastoo Butlaan ay yartahay dadka ay ku dileen waxay dad farabadan ku dileen gobolada Shabeelooyinka iyo Jubooyinka. Waxa dadka ay dileen ku jira caruur yar kadib markii la siiyay sirdoon qaldan.

Haddaba waxa dadkaas ku jira Daahir Ciise oo gabadhiisa ay dileen Maraykanku ilaa haddana aan helin magdhowga ay xaqa u leeyihiin. ”Ilaa hadda cid nala soo hadashay ma jirto waxaanse ku farxan sanahay in ay qirteen inay dileen dad aan waxba galabsan ayuu yiri Daahir


Weerarada Maraykanku qaado ayaa dad badan ku dhintaan ayadoo cida loola dan leeyahay ay ku dhuuntaan dadka dhexdooda, waxase muhiima in Maraykanka lagu qasbno inuu magta bixiyo ayuu yiri Cali Calasow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.