Thursday, January 24th, 2019
header

Erdogan oo jawaab kulul siiyay Imaaraadka: waala ogyahay halkay awoowyaashaa joogeen

Erdogan ayaa jawaab kulul siiyay Imaaraadka oo dib u sii faafiyay qoraal lagu qorey twitter-ka oo lagu dhaleecaynaayay dawladii Muslimka ee Cismaaniyiinta.



Wasiirka arimaha dibedda ee Imaaraadka ayaa qoraal nin Ciraaqi ah oo ku nool Jarmalka uu ku qorey twitterka kuna sheegay in Cismaaniyiintu bililiqaysteen Madiina, alaabtiina u rareen Dimishiq iyo Istaanbuul dib u sii faafiyay.



Wuxuuna ninkaasi intaas ku daray inay tani tahay taariikhda Erdogaan. Erdogaan oo jawaab ka bixiyay ayaa yiri ”waala ogyahay halkad joogtey markii Farhudin Pasha oo ahaa jeneraal ka tirsan Cismaaniyiinta uu gaalada ka badbaadiyay Madiina.

Farhudiin Pasha ayaa gobolka Xijaaz ee Sucuudiga ee Makka iyo Madiina ku yaalaan si fiican uga difaacay gaalada una diidey inay cagaha soo geliyaan kadib markii ay soo weerareen Carab munaafiqiina oo Ingiriisku wato iyo ciidamadii isbahaysiga ee ka soo horjeeday Jarmalka.



Erdogaan oo Carabta xasuusinaya arintan ayaa cadeeyay halka Farhudiin Pasha ka joogo Muslimiinta dhexdeeda iyo munaafaqdii Carabtu kula kacdey dawladii Muslimka ahayd ee Cismaaniyiinta.

Imaaraadka iyo Sucuudiga ayaa fuliya qorsheyaal ka dhana Erdogaan. Burburka dawladii Cismaaniyiina ayaa waxa kow ka ahaa Carab munaafiqiina oo Ingiriisku soo kaxaystey si uu ula dagaalamo dawlada Muislimka ah oo ay mari waayeen.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Tigree lagu weeraray Boosaaso

January, 24, 2019
booWararka ka imaanaya Boosaaso ayaa sheegaya in magaalada ...

Maxaa ka soo kordhey ninkii ajnabiga ahaa ee lagu qabtey sunta

January, 24, 2019
Sadex cisho kahor ayay ahayd markii nin ajnabi ...

Siyaasi Cali Faarax oo kabaha la dulmaray madaxa Jaamacada Camuud Saleebaan

January, 23, 2019
Siyaasi Cali Faarax ayaa kabaha la dulmaray madaxa ...

Sirdoonka Maraykanka oo qabtey sadex nin oo Somali ah oo argagixisadu tigidhka u goysay

January, 23, 2019
Sirdoonka Maraykanka ee loo yaqaan FBI ayaa qabtey ...

Siyaasi qarxiyay in hambadii Kulmiye lagu dul cunayo Boorama

January, 23, 2019
Siyaasi qarxiyay in hambadii Kulmiye lagu dul cunayo ...

Dhacdooyinka

Odaygii Nikolas waan u sheegnay inuu siyaasada Somalida soo farogelin: Farmaajo

January, 15, 2019
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadley ceyrintii Somaliya laga ...

Yuhuuda oo ugu dambeyn qiratey inay hub siisay argagixisada Daacish

January, 15, 2019
Yuhuuda ayaa ugu dambeyn qiratey inay hub siin ...

Madaxa Somali galbeed oo la kulmey ugaaska guud ee Samaroon: SAWIRO

January, 13, 2019
Madaxa Somali galbeed Mustafe Cagjar ayaa la kulmey ...

Sarkaal gacan u qaaday xaaskiisii hore oo jeelka loo taxaabay

January, 11, 2019
Sarkaal gacan u qaaday xaaskiisii hore ayaa jeelka ...

Raggii dilaayay Jamaal Khashowqi oo la ogaadey halka ay si toosa ula hadlaayeen

December, 10, 2018
Raggii dilaayay Jamaal Khashowqi ayaa la ogaadey halka ...

Ololaha ka dhanka ah dhibaatooyinka loo gaysto haweenka oo lagu qabtey Muqdisho

December, 8, 2018
Ololaha ka dhanka ah dhibaatooyinka loo gaysto haweenka ...

Ilhaan Cumar oo jawaab kulul siisay gaalka weyn ee Erik Jackson

December, 8, 2018
Ilhaan Cumar ayaa jawaab kulul siisay gaalka weyn ...