X

Erdogan oo ka yaabsaday taariikhyahanada reer galbeedka muxuuse kaga yaabsaday

Raiisal wasaaraha Turkiga Rajib Erdogaan ayaa ka yaabsaday taariikhyahanada reer Galbeedka oo qora in nin Kiristaana oo la yiraa Kolombus uu ahaa ninkii ugu horeeyay ee soo arka qaarada Ameerika kadib markii uu ku tagey doon iyadoo ay la socdaan qolooyin kale oo faafinayay diinta masiixiga.

Erdogaan ayaa sheegay in muslimiintu uga horeeyeen ayna ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee arka qaarada Ameerika oo xilligaas ahayd qaarad aan la deganayn dadka aduunkuna aad u yaraayeen.

Erdogaan ayaa intaa ku daray in waliba ay ku soo arkeen masjid qalcada Kuuba oo uu jecelyahay in uu masjidkaas dib u dhiso. Taariikhyahano badan oo Turki ah ayaa taageersan hadalka Erdogan oo dalkiisu ahaa dalkii ugu dambeeyay dawladii Islaamiga ahayd lahaydna taariikh dheer.

Wuxuu kale oo uu si xun u cambaareeyay Muslimiinta dhaliilaya oo uu ku sheegay kuwo aan lahayn isku kalsooni oo ay ku jirto isyaraysi. Erdogan ayaa sheegay in dadkii soo afjaray (Muslimiinta) xilligii madoobaa ayna furi Karin xilli cusub. Wuxuuna ku baaqay in taariikhda saxda ah loo dhigo caruurta soo koreysa.

Taariikhyahanada reer Galbeedka ayaa markiiba la booday waxayna sheegeen in Erdogan keeno cadayn inkastoo taariikhda loo dhigo Muslimiinta ama la soo guuriyay ayna u haynin wax cadayna oo ay ku jirto taariikhda dhinaca raacsan ee dagaalkii koowaad iyo labaad.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.