X

Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo u duulay Denmark iyo shir ka furmaya

Muqdisho 17 Nov 2014–Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhawayd u duulay Denmark halkaas oo uu kaga qaybgalayo shir Somalida loo qabanayo oo la sheegayo in loogu yaboohayo lacag ku aadan dhismaha dalka. Dadka u dhuun daloola siyaasada aya sheegaya inuu yahay shir aan waxbadan ka soo baxayn iyado kuwo kalana leeyihiin siyaasada Xasan Sheekh ayaa hortaagan horumarka dalka.

Si kastaba ha ahaatee shirkan ayaa furmaya 19 bishan wuxuuna socon doonaa laba cisho iyadoo maalinta 20 la soo xirayo. Shirar hore ayaa jiray oo Somaliya loo qabtey mana jiraan in dawlada Xasan Sheekh dib u raacday balan qaadyadii la sameeyay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

 

admin:

This website uses cookies.