X

Erduqaan oo 29 askari looga diley Siiriya iyo qaylodhaan uu u dirtey Taram

Wararkii u dambeeyay ee ka imaanaya gobolka Siiriya leedahay ee Idlib ayaa sheegaya in Dayib Erduqaan looga diley 29 askarta markii diyaaradaha Siiriya duqeyn la eegteen ciidanka. Turkiga ayaa Ku jira gudaha Siiriya waxa dhowr jeer loo sheegay inuu Ka baxo dalka aanu lahayn.


Wuxuuse sheegay inaanu marti ku ahayn oo uu joogi doono. Markii laga diley in gaaraysa 30 askari ayaa Dayib Erduqaan qaylodhaan u direy  Taram. “Ila soo gaar hubka diyaaradaha hadaan xulafo nahay laakiin cid u jawaabta ayuu waayay.


Dayib Erduqaan ayaa ku dhow inuu burburiyo Turkiga isagoo hadda wajahaya Ruushka oo badbaadiyay Siiriya ogolaana doonin in guushaa dib loo celiyo Siiriyana noqoto dal fashilmey.


Su’aasha aad is weydiin karto ayaa ah Taram ma u soo gurmanayaa jawaabtu was Maya waxaba muuqata in lagu helay hoggii lala rabay, waayo wuxuu ku jiraa dal aanu lahayn

Saxaafada Turkiga ee raacsan Dayib Erduqaan ayaa ku faanaysa inay laysay askar Siiriyiina iyo weliba inay duqeeyeen Ruushka taas oo ah been cad oo ay ku qarinayaan khasaaraha soo gaaray.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.