X

Maxaa ka soo kordhey dagaalka Dhuusamareeb iyo Guriceel

Wararkii u dambeeyay ee ka imaanaya xarunta gobolka Galguduud ee Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa sheegaya in xiisada dagaal ee bilaabantey xalay ay hadda qabowdey kadib markii la arkey inayna wanaag soo wadin.


Maamulka Galmudug ayaa Ahlu Sunna ku eedeeyay inay kuraas ku hesho dhiig ay daadiso xilli dadku waxqabad u baahan yihiin wixii jirana lagu dhamayn karo wadahadal.


“Dabcan Ahlu Sunna kuma qanacsana intey ka heshay maamulka cusub laakiin sow ma fiicna in xal hoose wax lagu raadiyo halkii ay sumcadda Iska dili lahaayeen oo ay daadin lahaayeen dhiiga dhalinteena u baahan  tahay inay ku shahiidaan argagixisada iyo cadowga la socda ayuu yiri Cali Calasow.


Ilaa haday khasaaraha Jira ayaan badneyn waxana jira hal askari oo dhintey iyo laba dhaawaca waxase w po qax laga naxo ah in qoryihii diyaarada lagu soo tuurey magaalada taas oo dadka magaalada sas ka qaadeen.

Urur diin ku salaysan oo culimo ah lagama fikayn inay dhiig daadiyaan si waafaqsan diinta mooyee ayuu raaciyay Cali Calasow.


Madaxda dawlada ee Ahlu Sunna wax ka tababayso ayaa ku baaqay in bulshada aan la dhibaateyn oo dhiig aan kursi lagu gaarin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.