X

Erduqaan oo Faransiiska raali gelin ka dalbadey: ma heli doonaa

Ayadoo dagaalka saliideed ee u dhexeeya Turkiga iyo Faransiiska uu gaaray halkii ugu xumaa ayaa Erduqaan ka dalbaday Faransiiska inay raali gelin ka bixiyaan dhacdo badda ka dhacday oo isku dhici gaareen markab Faransiisku leeyahay iyo mid Turki ah oo hub u waday Liibiya.


Faransiiska ayaa ku tilmaamay dhacdadaa badda mid dembiilenimo halka Turkigu sheegay in Faransiisku qaldan yahay oo uu rabay inuu biyaha caalamiga ah ku joojiyo maraakiibtiisa.

Faransiiska ayaa fulinaayay cunaqabataynta Liibiya inkastoo lagu tiriyo inuu taageersan yahay jeneraal Khaliifa haddana waxyar mooyee ma bixinin hub waaweyn iyo taangiyo sida Turkiga oo kale.


Su’aasha imanaysa ayaa ah Erduqaan ma heli doonaa raali gelin, jawaabtu waa Maya waxase imaan doonta in labada wadan uu sii xumaado xaalkoodu ilaa la helo siyaasad degan oo Liibiya.

Turkiga oo isku halaynaayay Maraykanka ayaa sheegay inuu uga baxay oo hadda cidla taagan yahay. Wuxuuna joojiyay dagaalkii uu ka waday Liibiya kadib markii madaxweynaha Masar ku hanjabay inuu geli soo doono Liibiya.


Erduqaan ayay dantu ugu jirtaa inuu qaato waxa wadamada waaweyn rabaan oo ah wadahadal in lagu dhameyo arinta Liibiya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.