X

Horjooge Muuse Biixi oo jar laga tuurey la kulanka gooni goosadka Taywaan

Afhayeen u hadlay Taywaan oo ah jasiirad ka tirsan Shiinaha laakiin reer galbeedku hubeeyaan rabaana inay ka gooyaan Shiinaha. Ma jirto dawlad ku dhacda inay aqoonsato oo ay ku jirto Maraykanka. Shiinaha ayaa markasta ku celisa haddii gooni goosadku ku dhawaaqaan madax banaani inay hilfaha u qaadi doonaan jasiirada xoogna ku qabsan doonaan.


”Ma jiro cid ka horjoogta inuu qabsado laakiin siyaasada uu ku dhaqmayo ayaa ah hal wadan laba nidaam, waana ta lagu daayay gooni goosadkaas u cararay jasiirada 1949 markii la eryaday wuxuushtii hanti wadaagta.

Haddaba Ingiriiska oo gooni goosadka Hargeysa kala taliya ariamaha dhaqaalaha kana masuula in Imaaraadku yimaado Berbera ayaa kula taliyay inuu Tywaan aqoonsigu yaalaa, waxase uu ilaaway in citiraafku yaalo Sool, Sanaag, Togdheer iyo Awdal.


Taywaan ayaa kulankaa u isticmaashey inay tiro ka dhigato maamulka Muuse Biixi oo aan jufadiisa ka haysan taageero laakiin Ingiriisku idaacadihiisa afafka badan ku baxa ku baro adduunka magaca Somalilaan iyo taariikhda beenta ah ee ah inay ahaayeen dal jira 1960.

Shirka Jabuuti ee Farmaajo iyo Muuse Biixi

”Waxaan la kulmay dhalinyarada wadamada Afrikaanka sida Nayjeeriya iyo kuwa kale waxay ku oranayaan ma Somalilaan ayaa ka timi, markaad weydiiso xagey ku maqleen, jawaabtu waa idaacadaha Ingiriiska ayuu yiri Xuseen Wrarsame laakiin markaad u sharaxdo in magacu yahay gobol ka mida Somaliya madaxay ruxaan ayuu raaciyay.


Safaarada Shiinaha ee Somaliya ayaa markiiba jawaab kulul ka bixisay sheegtayna in Shiinuhu hal dawlad leeyahay oo matasha oo ayna jirin laba dawladood.

Shirkii Jabuuti ee Farmaajo ka qayb galay

”Waxba uma kordhin hamiga fashilmey ee gooni goosadka ee hadda Ingiriiska iyo saaxiibadiisa Maraykanka la wadaan maamulka Muuse Biixi, ayagoo ku qasbey Farmaajo inuu dariiqo u jeexo sheekada Ingiriisku u bixiyay Somaliya iyo Somalilaan oo shirka Jabuuti yahay wadadaas.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.