X

Erduqaan oo jawaab ku haboon siiyay Maraykanka oo diidan inuu furo hubka S-400

Madaxweynaha Turkiga Dayib Erduqaan ayaa jawaab ku haboon siiyay Maraykanka oo diidan inuu kala furo gantaalaha casriga ah ee lidka diyaaradaha ee loo soo gaabiyo S-400. Hubkan ayaan jirin wax la mida aduunka dhinaca la dagaalanka diyaaradaha.


Waxa Turkiga soo gaaray qaybtii ugu horeysay ee gantaalahan lidka diyaaradaha, waxana qorshuhu yahay in la dhamaystiro wax kasta sanadka soo socda.

“Dalku waa inuu isticmaali karaa gantaalahan bisha afraad ee sanadka soo socda xilligaas oo ciidanka loo tababaray ay dhamaantood diyaar noqonayaan.


Xubnaha ku jira dawlada Taram ayaa telefishanada u sheegay in Turkiga ayna saari doonin cunaqabatayn haddayna diyaarin hubkaas oo macnaheedu yahay inay daawadaan kaliya.

Dayib Erduqaan ayaa sheegay inay gantaalahas isticmaali doonaan sida ugu dhaqsaha badan ee khatar ay ku soo wajahdo dalka. “Ma inaan daawano ayaan u soo iibsanay waxaan rajaynayaa in caqliga Maraykanku shaqeeyo ayuu yiri Dayib.


Turkiga ayaa dhinaca kale sheegay inay ka jawaabi doonaan haddii dalka la saaro cunaqabatayn oo ah sida xubnaha ku jira dawlada cunsuri Taram ku hanjabayaan markasta.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.