X

Musharixiinta maamulka Jubba oo wacad ku maray inay samaystaan guddi doorasho

Qaar ka mida musharixiinta madaxtinimo ee maamulka Jubbaland ayaa wacad ku maray inay samaystaan guddi doorasho oo xalaala kadib markii Axmed Madoobe walaaqay meesha jeebkana kala soo baxay odayaal aan qorneyn.


Musharax C/rashiid Xidig ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo xora oo lagu xalaalaynayo doorashada maamulka Jubba oo hadda Axmed Madoobe jeebka ku shubtey.

Odayada Axmed Madoobe soo bandhigey ayaan gebi ahaanba ahayn kuwii liistada ku qornaa  waxayna soo xuli doonaan xildhibaano aan dadku raali ka ahayn.


“Sidey ku socoto kama fursanayso in Kismaayo lagu soo celiyo amarka iyo kala dambeynta noqotana magaalo Somali gacanta ku hayso halka hadda Kiiniya ay bixiso amarka ugu dambeeya ayuu yiri Cilmi Madoobe oo jooga Kismaayo.

C/llaahi Warmooge

ARAABIBEWS

admin:

This website uses cookies.