X

Madaxweyne Farmaajo oo aad uga xanaaqay gaabiskii amni ee xarunta dawlada hoose: SAWIRO

Madaxweynaha Somaliya ayaa aad uga xanaaqay gaabiskii amni ee galaaftey xubnihii maamulka gobolka Banaadir. Dhiigmiiratada caadaystey dhiiga Muslimiinta ayaa ku xasuuqay ilaa 7 qof halka dhaawacuna intas leegyahay. Fashilkan amni ayaa salka ku haya garashada iyo anaa aqaane sii daa.


Madaxweynaha oo la kulmey taliyeyaasha amniga ayaa farta ku fiiqay in dadka loo xilsaaray amniga ayna hawshooda gudanayn.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Xukuumadda in ay si degdeg ah ula timaaddo qorshe dhammeystiran oo ku aaddan hannaanka la dagaallanka dadka sida tooska ah iyo sida dadban u gacan siiya argagixisada kooxda,Wahaabiyada ee shabaab.


“Suurta gal maha in ay nagu dhex jiraan dadka gacanta siinaya argagixisada kooxda gaalaynta Muslimiinta. Waxaa laga sugayaa Xukuumadda in ay la timaado qorshe lagula dagaallamayo dadkaas.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta.


Argagixisada oo ay la shaqeeyaan dadka magaaladu ayaa xasuuqa isla dadka magaalada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.