X

Gabadh jacaylkeeda ku dhex guursatay isbitaal

Aroos cajiiba ayaa loo dhigey lamaanaha Joon iyo Maariya oo isku guursaday isbitaal dhexdiisa dalkaasi Kiiniya oo ay ku nool yihiin. Joon iyo Maariya ayaa ah lamaane da’yar laakiin muddo is jeclaa laakiinse guurkooda uu soo deejiyay shil ku dhacay Joon.


”Arooskayagu waxay ahayd inu dhaco bishan dhexdeeda laakiin waxaan is aroosnay aakhirka bishii hore ay tiru Maariya oo ah qofka iyadu dalbatey inay isbitaal ku dhex guursato.

Joon ayaa bishii hore shil mooto ku galay suuqa waxana shilkaasi sababay inuu lugihiisa ka istaagi kari waayo. Lamana hubo inuu dib u socon doono dhacdada shilka oo aad u xumayd.


Maariya ayaa isbitaalka la gashay jacaylkeeda Joon si ay ula socoto xaalkiisa, waxayna ugu dambeyn go’aansadeen in aroosku ka dhaco isbitaalka.

“Muddo badan ayaa sugayay maalintan ayay tiri Maariya. Dhibka ku dhacay Joon ayaa ahaa fal naxdin leh. Ma qiyaasi karo sida ay nolosheyda noqon lahayd haddii aanu arooska dhici lahayn,” ayayraacisay Maariya.


Joon oo dhibaato dhanka lugaha ah ka soo gaaray shilka ayaa sheegay in uu aad ugu farxay go’aanka ay qaadatay saaxiibtiis xili aysan hubin dhinaca aan u dhacayo.

Dadka degan agagaarka isbitaalka arooska uu ka dhacayay oo aad ula yaabay arooska lagu deax qabanayay gudaha isbitaalka ayaa ku soo xoomay si ay u daawadaan arooskan aysan nuuciisa horey u arag.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.