Friday, March 29th, 2024
header










Meta







Eritariya oo durba bilowdey farogelin gudaha dalka yaase soo direy

Wasiirka arimaha dibedda ee Eritariya ayaa saaka yimi Hargeysa sheegayna inuu u yimi inuu soo arko waxa ka socda Somaliland, isagoo ku andacoonaya inuu soo direy madaxweynaha dalkaasi. Waxa run noqonaya wararkii sheegayay in Imaaraadku dhiirogelinayo xiriiro aan hore u dhici karayn oo dhexmara maamulka Somaliland iyo kuwa geeska.



Imaaraadka ayaa ka shaqaynaya sidii uu ictiraaf hoose u heli lahaa maamulka Somaliland oo ay ku furan yihiin qalalaase qabiil asagoo isticmaalaya dalal ay ka mid yihiin Eritatiya iyo Itoobiya.



Booqashada wasiirkan ayaa ah farogelin qaawan oo Eritatiya ku soo qaaday Somaliya taas oo ayna Somaliya ka filayn in sidaa ay ugu abaalgudo una adeegto cadowga danaha gaarka ah kaleh dalka ee Ingiriiska iyo Imaaraadka.

Booqashada oo Eritariya sheegtay inay qaadan doonto laba cisho ayay ku sheegtay inay ka mid tahay himilooyinka Cabi Axmed waa sida ay hadalka u dhigeen, waxayna raacisay inuu safarka wasiirka ku weheliyo agaasimaha amniga ee Eritariya.

Waxa caadiya in booqashooyinka noocana ay wataan dalalka Ingiriiska iyo Imaaraadka ayagoo isticmaalaya dawlado aan deganayn. Waxase xaqiiqa in Eritatiya abaal kaga raadsanayso Imaaraadka oo ka shaqeeyay soo celinta xiriirka iyada iyo Itoobiya.



Imaaraadka ayaa noqdey cadowga koowaad ee isku dayaaya in Somaliya weligeed ka dhalan dawlad sida Ingiriiska oo kale.

“Waxay Eritatiya ilowdey abaalkii Somaliya u gashay ayuu yiri Warsame Nuur waxse ma soo kordhin karto booqashadan waayo waxay ilaaween in waxkasta ku xiran yihiin dawlada dhexe ama jeclow ama ha jeclaani ayuu raaciyay.

Waxa laga fahmi doonaa inay cadowga Somaliya la safatey sida ay u soo dhaweeyaan Muuse Biixi markuu tago Eritariya. Booqashadan ayaa ku beegantey xilli madaxweynaha Jabuuti yimi Muqdisho.

Warbixintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS waxay dhiirigelisaa kaliya fikradaha kala duwan ee akhristeyaashayada.



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Heshiiska badda ee Soomaaaliya iyo Turkiga yaa ka naxay ma Axmaarka mise??? XASAASI

February, 24, 2024
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qalinka ku duugay heshiis ...

Caruurtii uu hooyadood ku hor gubay oo afka furtay: Qaracan runtii

February, 21, 2024
Maxkamad samirsiin u ah qoyska la baxsaday gacan ...

Qisada Cumar binu Khadaab iyo haweenay oynaysa

February, 20, 2024
Qisada amiir Cumar binu khadaab iyo haweenayda ooyaysa. ...

Dawlada Somaliya oo si toosa u sheegtay aqoonsiga Awdalstate

February, 13, 2024
Dawlada Somaliya oo si cad u sheegtay inay ...

Madaxweynaha Awdalstate Dr Nageeye oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

February, 8, 2024
Madaxweynaha Awdalstate Dr Cabdisamad Nageeye ayaa si diiran ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...