X

Faahfaahin dad shacaba oo lagu laayay shabeelaha dhexe

Wararka ka imaanaya deegaan u dhow degmada Balcad ayaa sheegaya in koox an la garanayn ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad shacaba halkaasna uu Jiro dhimasho iyo dhaawac.


Gaariga la rasaaseeyay oo ahaa Nooca Soomaalida u taqaano Homeyda ayaa xilliga la rasaaseeynayay waxa uu marayay Tuulada Xoonshooleey,waxaana la xaqiijiyay in ilaa saddex qof ay falkaasi ku geeriyoodeen tira kalena ay ku dhaawacmeen.

Mid ka mid ah ehelada dadka Gaariga lagu rasaaseeyay ayaa sheegay in maleeshiyaadka ay marka hore dirawalka Gaariga ku amreen in uu joojiyo hayeeshee uu ka dhega-adeegay sidaasina rasaasta loogu furay.


Waxaa uu sheegay in Saddex qof oo mid ka mid ah ay aheyd haweenay ay ku geeriyoodeen rasaasta lagu furay gaariga halka hal qofna uu ku dhaawacmay loona soo qaaday dhinaca Magalada Muqdisho.

Maaha markii ugu horeysay oo dad qaadicu dariiqa oo ah in la dilo ay dad shacaba ku furaan rasaas aan loo aabo yeelin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.