X

Madaxweynaha Turkiga oo u dabaaldegay imaanshaha gantaalaha lidka diyaaradaha

Madaxweyne Erduqaan ayaa u dabaaldegay imaanshaha gantaalaha lidka diyaaradaha ee Ruushku sameeyo ee loo soo gaabiyo S-400. Gantaalahan ayaa hal mar weerari kara ugu yaraan 16 bar tilmaameed ayaa Urduqaan ku tilmaamay iibka qarniga ee weligii Turkiga galay taariikhdii.

Turkiga ayaan weligood awoodin inay yeeshaan gantaalo noocaasa inkastoo ay hoosta kaga jireen ururka NAATO ee Maraykanku ugu horeeyo.


Ilaa intii uu ururka akhwaanka ee Erduqaan hogaamiyo qabsaday hogaanka dalkaasi waxa reer galbeedku sii fogeynaayeen oo durkinaayayka mid noqoshaha ururka midowga Yurub.

Erduqaan oo ay Ruushka isku fiicnaayeen ayaa xiriirku xumaadey markii ururkii akhwaanka ee Erduqaan taageerada iyo hubka siinaayay looga adkaaday Suuriya, wuxuuna caro darteed soo ridey diyaarad uu leeyahay Ruushku xilli aanu kaba fileynba.


Erduqaan ayaa raali gelin bixiyay maadaama uu dalku ku jirey go’doon, Ruuskuna wuxuu eegay xiriirka fog ee labada dal iyo shacab iyo weliba heshiisyada saliideed ee uu Turkiga la geli karo.

Ayadoo ay sidaa tahay ayaa madaxweyne Putin go’aansaday inuu Turkiga ka iibiyo gantaalaha S-400 oo ah hub lid diyaaradeed kan ugu casrisan ee aduunka ka jira hadda.


Turkiga ayaa cadow la ah Yuhuuda oo garaacda ururkiisa akhwaan ee Xamaas iyo Giriiga oo duulaan ku ah jasiirada Qubrus inkastoo awood lahayn.

Hubkan Erduqaan u dabaal degay ayaa dalka ka dhigaya dal Muslim ah oo ay u dhamaystiran yihiin dhamaan awooda difaac iyo ta weliba weerar.

Waxase dadku leeyihiin armuu ku weeraraa Ruushka laftiisa hadduu dantiisa ka arki waayo ama sirta hubkaasi u gudbiyaa cadowga weyn ee Maraykanka.


Waayo ayay leeyihiin Erduqaan waxa la weyn urur diimeedkiisa. Haddase waa guul lala dabaaldego. Hadda waxaan rabnaa inaan hubka la wada samayno Ruushka ayuu yiri Erduqaan oo dareensan in dalku yeeshay saaxiib dhow.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.