X

Faahfaahin ka soo baxaysa argagixiso oo lagu diley Muqdisho

Wararka ka soo baxaya suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidanka amniga ee jiifa suuqaasi ay dileen argagixiso rabtey inay dhibaateeyaan dadka isla markaana fuliyaan qarax.


Argagixisada oo boostalo ku hubesan ayaa ciidanka jiifa ee amnigu ku baxay waxana dhacdey is rasaasayn waxase lagu guulaystey in dhegta dhiiga loo daro ayuu yiri goobjooge ka hadley falka amniga wax looga qabtey.

Wararka kale ayaa iyaguna sheegaya inay ahaayeen tuugo ku hubeysan bastoolado oo lagu baxay xilli ay dhac iyo baad wadeen. Dhiigmiiratada Shabaab ayaa awal suuqu hoy u ahaa ilaa laga sifeeyay.


Waxay baryahan dambe bilaabeen inay dhuumaalaysi ku dilaan askar badan oo heegan u ahaa difaaca dalkooda kadibna muuqaalo laga soo duubo.

Si kastaba ha ahaatee waxa dilkan ku farxay dadka suuqa ka ganacsada. Waxa hawlgalkan lagu diley laba argagixiso oo bastoolado ku hubaysnaa.


Masuul ka tirsan gobolka Banaadir oo faahfaaahin bixiyay ayaa sheegay in qof shacaba uu ku dhintey rasaasta argagixisada soo ridey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.