X

Wasiirka duulista muxuu ka yidhi diyaarada Itoobiya ee Hargeysa ka degta

Waxa baryahan dambe xilli uu jiro cudurka sambabada ee Kooro Hargeysa si toosa uga degta diyaarada Itoobiyaanka oo inta badan sida Somali. Haddaba wasiirka duulista iyo hawada ee Somaliya muxuu ka yidhi diyaaradaas aan hogaansamayn.


Wasiir Maxamed Cabdullaahi ayaa qirey in diyaaradaas Hargeysa ka degto ayna sido rakaab Somali ah wuxuu sheegay inayna jirin wax ogolaansho ah oo ay siiyeen ha noqoto mid yar iyo mid dheerba, wuxuuna raaciyay in qofka dalka dibediisa ka yimaada waana is takooraa muiddo 14 cisho ah.


Marka laga reebo diyaaradaas waxaan kuu sheegayaa in diyaaradaha kale fasax ka qaataan dawlada Somaliya kuna yimaadaan fasax sida dhamaan diyaaradaha gargaarka ee hadaba ka degaya Hargeysa. Wasiirka ayaa hor fadhiyay qalabka satalaytka ee tusaya dhamaan diyaarada dalka dulmaraya.


Wasiirka ayaa sheegay in sababo jira awgeed ay diyaaradaasi welli u timaado Hargeysa waxase uu ka gaabsaday inuu faahfaahiyo sababahaas. Itoobiya ayaa joojisay dhamaan duulimaadyada caalamiga ah inkastoo ay sheegtay in kuwa gudaha ay socon doonaan. Amarkaas ayaa dhaqan galay daraad.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.