Thursday, May 9th, 2024
header










Meta







Faahfaahin ka soo baxaysa ninkii xasuuqey dalxiisayaasha dalka Tuunisiya iyo sida loo dilay

Maalin barakaysan oo Jimce ah waliba Ramadaana ayuu ninka lagu magacaabo Seifeddine Rezgui oo ka dhashay qoys fiqiira isla markaana deganaa goob danyara oo qori ku soo qarsaday dalad hoosteeda kadibna iska dhigey nin dabaal u socda waxase loo soo direy xasuuqa dalxiisayaal magan u ah dal muslim ah kuna jooga fiise. Xasuuqa ayaa waxa ku jirey dad Tuunisiyiin ah.

Diintu waxay ina faraysaa in aad noqoto kan la dilo ee aanad noqon kan wax dila laakiin kooxaha argagixisada ee dhiiga bani aadamka xalaashadey waxay iyagu wataan mid ka duwan taas diinteenu ina far ayso,,kabase darane waxay xataa jabiyeen xuduuda dagaalka e diinta Islaamku dejisey.

Seifeddine Rezgui Wuxuu ku biirey urur diimeedka Salafiga oo ay caqiido wadaagaan ururka Daacish oo ah kan ugu xun ururada xalaashadey dhiiga bani aadamka. Waa laga yaabaa in aad la yaabtaan marka la qoro dhiiga bani aadamka waayo dadka la beegsaday makala laha da, yar iyo weyn, gaal iyo Muslim.

Waalidkiisu waxay sheegeen in labadii maalmood ee u dambeeyay uu la qoslayay adeerkii marnaba ayna ka muuqan isbedel kana hadlayay waxbarashadiisa,,waxbarashadaas oo hadda noqotey casharo ku saabsan sidii uu xasuuqan u fulin lahaa.

Dawlada Tuunisiya ayaa dhinaca kale sheegtay in ay ogaayeen xagjirnimada Seifedine oo ahayd mid hoose waxase inta badan aan la garan Karin goorta xagjirnimadaa hoose ay gaarto heerkan oo kale.

Seifeddine Rezgui waxa lagu arkay huteelka Marxaba qaybtiisa dambe isaga oo lugeynaya qorina ku qarsanaya dalad,,wuxuuna isla markiiba bilaabey in uu toogto dadkii u dhawaa oo markaa iska cadceedsanayay,,waxana goobtii ka dhacday kala carar iyo isku dhexyaac xun waase la dhex qaaday ayuu yiri oday huteelka ka daawanayay sida wax u dhaceen.

Rasaastii ayaa ka dhamaatay wuxuuna isku dayay in uu dib u buuxsado wuxuuna u soo dhaqaaqay dhinaca iyo albaabka huteelka,,,wuxuuna soo ridey rasaas,,waxana markan soo galay huteelka ciidanka tababaran ee Tuunisiya.

Oday Tuunisiyaana oo ooyay markii la waraysanayay ayaa sheegay in xagjir Seifedin uu markan bilaabey in uu dib ugu noqdo goobta xeebta,,,waxase odeygu sheegay in uu qaaday MARMAR weyn kadibna uu madaxa kaga dhiftey isla markaana Seifediin dhulka ku dhacay,,waxyar kadibna inta aanu kicin waxa rasaas beerka u gashay ciidanka Tuunisiya.

Waxa goobta ka duubanayay argagixisadii soo dirtey ee Daacish lama garan karo waxa loo balanqaaday ee ay gacanta ku hayaan. Moncef Mayal oo ahaa ninka MARAMARKA qabadsiiyay dhiigyacabka Seifediin ayaa sheegay isagoo oynaya in uu gudanayay waajibkiisa Islaamnimo iyo wadanimo.

01_NH28TER_1159539k[1]

Dhinaca kale dadka reer Tuunis oo ah dad ilbaxa kana mida wadamada carabta ugu tacliinta badan ayaa dibedbax ka dhigey huteelkii dhiigyacab Seifediin ku xasuuqey in ka badan 37 qof oo aan waxba galabsan martina u ah dawladooda. Diinteena ayaa ina faraysa in aan xushmeyno martida,,qodobkaana waa ku xadgudbey.

2A0AD4AF00000578-3141794-image-a-79_1435453098390[1] 2A0AD61C00000578-3141794-image-a-77_1435453092395[1] 2A088EEC00000578-0-Massacre_Staff_mop_up_the_blood_outside_the_Imperial_Marhaba_Hot-m-57_1435437993034[1] 2A0BB9AF00000578-3141794-image-a-78_1435453095857[1]

Nin Culumo ah ayaa sheegay in aan dilno dad runtii ku magacaaban in ay kiristaan yihiin laakiin kuba wareersan diintooda oo run raadinaya waxa ka fiican diinteenana u fiican in inaga la ina dilo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...