X

Faahfaahin nooca diyaarad ee lagu weerary Imaaraadka

Waxa maanta Imaaraadk laga gubay haamo shidaal oo u dhow goob weyn oo dalka looga qaybiyo shidaalka. Waxay qirteen inay weerarka ku dhinteen sadex ajaaniba oo iyagu caadiyan ka shaqeeya dalkaasi min dhul xaadh ilaa karaani. Haddaba Imaaraadka oo burburiyay Yaman lana dagaalama waxay ugu yeeraan Shiico ayaa qirtey in kolka la soo gaaray.


Haddaba waxaad is weydiin kartaa diyaarad nooceeya ayaa weerarkan ay u adeegsadeen ciidanka Yaman ee iyagu iyo saxaafada reer galbeedka ugu yeeraan falaagada.

”Bam duulaya ayaa cirka ka soo dhacay ayay yiraaheen booliiska dalkaasi Imaaraadka oo macnaheedu yahay in milatariga Yaman ay adeegsadeen diyaaradaha aan la wadin nooceeya loo yaqaan ”iskeed isku qarxiso” oo ah mid toos ugu dhacaysa bartilmaameredka ayuu yiri Xuseen Warsame.


Waa diyaaradihii ay Aserbajaan ku burburisay hubkii Armiiniyiinta ee Ruushka ee ay ka soo iibsadeen Yuhuuda. Waxaadse is weydiin kartaa aaway hubkii Maraykanku balaayiinta doolar kaga iibiyay.

Jawaabta saxda ah ayaa ah in hubkaasi badankiisu aanu shaqaynin oo qalabkii muhiimka ahaa laga reebnay iyaga iyo Sacuudigaba lacag adagna loo bedeshay.

Milatariga Yaman ayaa wacad ku maray inay si fiican u burburiyaan dhaqaalaha yar ee saliida ka soo gasha.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.