X

Faahfaahin weerar argagixiso oo xalay ka dhacay Baydhabo

Faahfaahin weerar argagixiso oo xalay ka dhacay Baydhabo. Koox hubeysan ayaa xalay fiidkii dhacay ayaa argaixisadu weerartay guri Baydhabo ku yaal oo ay degan tahay haweenay u qaabilsan arimaha haweenka.


Waxaa ku dhaawacmay laba qof, kuwaasi oo la dhigay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Baydhabo.

Haweeneyda la weeraray ayaa waxaa la sheegay in ay badqabto, ciidamo ka tirsan booliska Koonfur Galbeed ayaa gaaray goobta uu weerarka kja dhacay, waxayna sameeyeen baaritaan aanay jirin cid lagu soo qabtay.


Weerarkan ayaa muujinaya heerka amni ee magaalada Baydhabo iyada lagu guda jiro abaabulka iyo diyaar garowga ku aadan doorashada la qorsheeyay inay dhacdo 17-ka November ee sanadkan.

Waxa caada ah in argagixisadu bidhaansato dadka waxgaradka u ah dadka ayagoo diinta ka saara kuna sheega inay ridoobeen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.