X

Faahfaahin xasuuq kooxda gaalayntu ka gaysatey Muqdisho

Faahfaahin xasuuq kooxda gaalaynta Muslimiintu ka gaysatey magaalada Muqdisho oo maalmihii u dambeeyay ay ku xasuuqeen ilaa 30 halka dadka ku naafoobey ayna yarayn marka la iska dhasfo qasaaraha maaleed ee dadka shacabka ah soo gaartey.

Argagixisada kooxda gaaleynta ee Shabaab ayaa gaari ay ka soo buuxiyeen walxaha qarxa ayay ku weerareen maqaaxi ay ka buuxaan dad shacaba oo iska shaahaynaya.


Gawaadhida gurmadka ayaa ka tiriyay medka 18 qof oo ku shahiidey maqaayada ay weerareen. Argagixisada ayaa gaariga sii dhigtey eaxayna la eegteen xilli maqaayada aad u buuxdey.


Dhaawaca ayaa lagu sheegay inuu gaarayo ilaa 20 qof. Weerarada fuleynimo ee argaggixisada marnaba hoos uma dhigayaan dadaalka aan wadno ee looga sifeynayo dalka ayuu yiri  sarkaal u hadley dawlada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.