X

Xildhibaan ka tirsan Somali galbeed oo laba qof diley

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somali galbeed ayaa magaalada Jarati waxa uu ku dilay Labo nin, deegaankaasina waxa uu ahaa midka isaga uu matalo. Wararku waxay sheegayaan in xildhibaanka wax dilay lagu magacaabo Bashiir Diiriye, wuxuuna watey bistoolad iyo qori sharciyeesan oo uu dilka ku fuliyey.


Labada nin ee uu dilay ayaa lagu kala magacaabayey Macalin Cumar iyo Weli Xuseen, iyadoo deegaankaasi aad looga hadal hayo, dilka foosha xun ee masuulkani ku kacay.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in Labada qof ee xildhibaanka uu dilay ay horey uga mid ahaayeen Jabhadda ONLF ee iyadu hadda nabadda qaadatay.


Dadka deegaanka ayaa aad uga caroodey ayagoo xildhibaankani sharcifa ku qaatey gacmahiisa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.