X

Faahfaahino dilal ka dhacay Muqdisho iyo cida ka dambaysay

Faahfaahino dilal ka dhacay Muqdisho iyo cida ka dambaysay. Xaafada Siliga ameerikaanka ee Degmada Dharkenley ayaa  xalay waxaa lagu dilay nin la sheegay inuu dadka degaanka kamid ahaa, dilkiisa waxaa loo adeegsaday  Qori AK47, waxaana meydkiisa la keenay xarunta danbi barista..



Labo Wiil oo wada dhashay ayaa sidoo kale xalay  lagu dilay degaanka ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana dilkooda geystay Kooxo ka tirtsan argagixisada.

Ciidamada dawladda Soomaaliya oo soo gaaray goobaha ay ka dhaceen dilalka ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaano, ilaa iyo haddana faahfaahin kama bixin cid lagu soo qabtay.



Amniga magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay ahaa mid wanaagsan, waxaana ciidamada dawladda ay wadeen howlgallo lagu adkaynayo Ammaanka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.