X

Muxuu ku soo dhamaaday shirkii golaha wasiirada Carabta

Maxaa ku soo dhamaaday shirkii golaha wasiirada Carabta taagta daran ee ka dhacay Qaahira. Shirkan ayaa imanaya markii Trump Yuhuuda u magacaabay Al-Qudus.



Aduunka badankiisa ayaa cambaareeyay talaabada Trump oo lagu sheegay mid nabada wax u dhimaysa.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Lubnaan Gebran Bassil, ayaa sheegay in dowladdaha Carabta ay tahay inay ka fakaraan cunaqabateyno ka dhan ah Mareykanka.



Mr Bassil ayaa sheegay inay tahay in la qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed, kaddibna lagu soo rogo cunaqabateyno dhaqaale iyo kuwa maaliyadeed Mareykanka.

Talaabada wasiirka oo ah tan ugu wanaagsan ayaan la garanayn in Carabta uu Maraykanku gumaysto ay qaadi doonaan. Badankooda ayaa amaankooda uu ilaaliyaa Maraykanku.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.