Faahfaahinta qarax argagixisadu ka fulisay Muqdisho. Wararka naga soo gaaraya agagaarka wasaarada gaashaandhiga ayaa sheegaya in qarax u adeegeshaasha argaixisadu ku aaseen uu qarxay.
Dhimashada qaraxaas ka dhalatey ayaa lagu sheegay hal ruux oo wadada maraayay halka ay jiraan dhaawac aan badneyn oo dadka ka soo gaaray filidhka qraxaas.
Argagixisada gaalaysa Muslimiinta ayaa inta badan ku faanta qaraxyada noocana isla markaana duubta si ay u tusaan kuwii soo direy oo inta badan rumeysan la inay fuliyeen.
Ciidamada dowladda ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano ku aadan sidii looga daba tagi lahaa raggii falkan ka dambeeyay.
Dilkan ayaa imaanaya ayadoo xasuuqa kooxdaan uu aad uga socdo Muqdisho habeenkastana ay dilaan qof ama laba.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS