X

Faahfaahintii u dambeysay argagixiso weerartay agagaarka madaxtooyada

Faahfaahintii u dambeysay argagixiso weerartay agagaarka madaxtooyada Somaliya. Argagixisada oo hadda la diley dhamaantoodba ayaa waxay soo xirteen dharka ciidanka si ay ugu dhexmilmaam askarta baacsanaysa.


Sida caadiga ah waxa la sheegay in argagixisadu weerarkooda ku bilowdey rasaas ay ku dhaawaceen hal askari oo jooga bar xanibaad kadibna uu qarxay gaarigii ay la socdeen oo ka yimi dhinaca Ceelgaabta.

Is rasaasayn kadib waxa argagixisada lagu baacsaday dhinacaas iyo meel u dhow beerta nabada waana marka natfi halige kale isku qarxiyay gaari kale.

Waxa markiiba ciidanku dileen sadex ka mida argagixisada oo meydkoodu yaallo welli goobtii lagu diley ahna sadex dhalinyaro oo been loogu sheegay inay janno galayaan.


Is qarxintaas dambe ayaa la sheegay in dhaawac ka soo gaaray dad shacaba oo ka ag dhawaa goobtaas. Ciidamada amniga ayaa soo afjaray weerarkan fuleynimo ee argagixisada.

Weerarada noocana ayaa dhaca ayagoo argagixisadu gacan ka helaya dad ugu jira ciidamada amniga.

Weerarkan aya yimi ayadoo wadooyinka qaar ay xirnaayeen taas oo muujinaysa in argagixisada loo fududeeyay inay yimaadaan halkan.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.