X

Taliyihii Axmed Madoobe u diidey Kismaayo oo ka degay Garbahaaray

Taliyihii Axmed Madoobe u diidey Kismaayo ayaa ka degay Garbahaaray. Taliye Cali Maxamed Maxamuud ayaa loo magacaabay qaybta 43-naad ee ciidanka dawlada Somaliya oo xaruntiisa ugu weyn ay tahay Kismaayo.


Taliyaha ayaa kulamo la qaatey ciidamada kala duwan eexooga dalka ee ku sugan gobolka Gedo. Wuxuu Cali sheegay in la xoojin doono weerarka lagu qaadi doono argagixisada.


Saraakiisha ciidanka xooga dalka ee ku sugan gobolka Gedo ayaa iyaguna sheegay in taliyaha loo dhaarin doono xilka maanta xaflad ka dhici doonta Garbahaaray.

Dhinaca kale maamulka Axmed Madoobe ayaa fariin u direy madaxweyne Farmaajo kana codsaday inuu soo farogeliyo arinta sareeyo guud Cali Maxamed Maxamuud ee ay u diideen inuu Kismaayo soo galo.


Ilaa hadda madaxa Jubba Axmed Madoobe ma sheegin waxa uu ku diidey taliyaha aan ka ahayn nalagama tashan.

Sawirka hoose waa taliyaha loo magacaabay waaxda Jubbaland ee ciidanka xooga dalka Cali Maxamed

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.