X

Horjooge Muuse Biixi oo lacag ka dalbadey telefishanada Universal iyo Star tv

Horjoogaha maamulka Somalilaan Muuse Biixi ayaa lacag gaaraysa 20 kun oo doolarka Maraykanka ka dalbaday labada telefishan ee Universal iyo Star tv. Horjooge Muuse Biixi ayaa xiray xafiiska Hargeysa ee labadaan telefishan.


Universal oo xaruntiisu tahay London ayaan waxba u waayayn xafiiska Hargeysa maadaama xaruntiisa dhexe tahay London halka Star Tv oo ah teleshan yar ay xaruntiisa ugu weyn ay tahay Hargeysa.

Universal Tv ayuu ka rabaa lacag gaaraysa 15, 000 kun oo doolar halka Star tv uu ka rabo 5000 oo doolar si xaruntooda loo fasaxo. Wuxuu ku haystaa in la sii deyn waayay maalintii xoriyada.


Horjooge Muse Biixi ayaa maamulkan ka dhigtey xero uu siduu rabo ugu galgasho. Gudoomiyaha xuquuqda ee maamulka ayaa ganafka ku dhuftey lacagta Muuse Biixi dalbaday. Star tv ilaa hadda lama sheegin waxa lagu haysto.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.