Maamulka Somaliland ayaa fadeexad ka raacday xarigii ay u geysteen milkiilaha Telefishanka Universal Axmed Abuukar oo ciidamada booliska Hargeysa xabsiga dhigeen.
Wararka ayaa sheegaya in xabsiga laga sii daayay milkiilaha Universal TV Eng Axmed Abukar kadib markii uu soo dhex galay arrinta madaxweynaha maamulka Kilinka Shanaad ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.
Hadaba fadeexadan ayaa waxa qarxiyay Abukar Mahdi oo ah nin Somalidu aad u jeceshay ahna lafdhabarta Universaltv. War uu soo dhigey bartiisa faysbuug ayaa sidan u qornaa.
SAWIRADAN WAA 30MINT KA HOR. TANA MA INOO DAMBEYSAY DADKEYGOOW.. WAXAA AYAAN DARO AH CODSIGII MADAXWEYNE FARMAAJO OO SOMALILAND DIIDAY BALSE 2 SAACADOOD KA HOR WAXAA SI KULUL ULA SOO HADLAY MADAXWEYNAHA KILINKA SOMALIDA ITOBIYA CABDI MAXAMUD . SI DEG DEG AH AYAA ENG AXMED XORIYADISA LOOGU SOO CELIYAY WAXAA LA GEEYAY HOTEL MANSOOR. WAAKUWAA ISAGA IYO SHAQAALAHA TVGA OO SOO BOOQDEEN.. ENG WUXUU KUSII SOCDAY CALEEMO SAARKA MADAXWEYNE FARMAAJO OO UU CASUUMAD KA HELAY SAAXIIBO HORENA AHAAYEEN. WAXAAN U MAHAD NOQAYAA DADKEYGA SOOMALIYED EE KA QEYB QAATEEN COMMENTIGA EE MUUJIYEEN SIDEEY UGA XUN YIHIIN XARIGA ENG AXMED. ABAAL WEYN BAAN IDIIN HAYAA..
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS


Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay